Qalalaase iyo hubanti la’aan siyaasadeed ayaa hareysay Dowlad Goboleedka Puntland, kadib go’aankii uu Madaxweyne Siciiid C/llaahi Deni uga laabtay Doorashadii ‘Qof iyo Codka’ ahayd ee muranka dhalisay.
Waxaa soo baxday in Baarlamaanka Puntland uu ku dhaqaaqay muddo kororsi Hal sano ah, kadib markii uu ansixiyey talo-soo jeedin ka timid, kun dhawaaqay in Baarlamaanka waqtigiisa dhammaanayo uu dooranayo Madaxweynaha cusub ee Puntland, taasoo ahayd talo ka timid Odayaasha kasoo jeeda SSC.
Maxkamadda Dastuuriga Puntland ayaa ka daba timid muddo kororsiga Golaha Wakiilada Puntland, waxayna ka dhigtay Sharci darro, taasoo xaaladda uga sii dartay, waxaana maanta buuq ku dhammaaday Kulan uu maanta ka yeeshay Go’aanka Maxkamadda Dastuuriga ah.
Fadhigii maanta ee Golaha Wakiillada Puntland yeeshay ayaa la geeyay Arrinta Diidmada Maxkamadda Dastuuriga ah ee ku aadan muddo-kororsiga Baarlamanka ayaa la isku-mari-waayey, markii xildhibaanno badan Buuq iyo fowdo ku fureen Guddoonka Golaha oo ku doodayey inaysan Maxkamaddu sharci u marin diidmada muddo-kororsiga.
Dhinaca kale Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Karaash ayaa ku eedeeyay Siciid Deni inuu ku socdo keligii talisnimo iyo awood maroorsi, iskuna koobay taladii Puntalnd.
“Madaxweynuhu wuxuu caadeystay keligii talisnimo iyo inuu awooda dowladda isku koobo kana dheeraado talooyinka dadka wax galka ah, taas oo natiijadeedu markasta kusoo dhammaato fashil. Hadaba waxaan wax-garadka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Puntland u cadaynayaa in hadii uu qaado talaabo aan heshiis lagu ahayn taas oo taabanaysa Arrimaha Masiiriga ah uu qaadi doono cawaaqib xumada ay dhasho”. ayuu Axmed Karaash ku yiri qoraal uu soo saaray maanta.
Xaaladda Puntland ayaa ah mid cakiran, wuxuuna Madaxweyne Deni u muuqdaa inuu go’aan weyn qaatay xilli ay doorashada ka harsan tahay muddo Bil, ah isla markaana ay is khilaafsan yihiin Guddoonkii Baarlamaanka Puntland, Madaxweyne ku xigeenka iyo Isimada SSC-Khaatumo.