Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulan gaara maanta kula yeeshay magaalada Nairobi dhiggiisa dalka Uganda.
Kulanka oo ahaa mid barbar socday shir madaxeedka IGAD ee arrimaha Qaxootiga Soomaalida ayaa labada madaxweyne uga hadleen xiriirka labada dal, howgalka AMISOM iyo xoojinta iskaashiga labada dal.
Madaxweynaha Uganda Yoweri Musaveni ayaa ka baaqsaday caleema-saarkii madaxweyne Farmaajo oo lagu casuumay, taasoo keentay shaki weyn oo ku saabsan xiriirka labada dal kadib doorashadii Farmaajo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu socdaal shaqo ku tago dalka Uganda si arrimaha labada dal u dhaxeeya looga wadahadlo.
Goobjooge.com