Wararka laga helayo xafiiska Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegaya in la joojiyay kulan caawa dhex mari lahaa xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka iyo madaxweynaha cusub.
Kulanka oo ahaa casho sharaf uu madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ugu talogalay inuu u qabto xildhibaanada labada gole oo lagu maamusayo doorashadii ay xilka madaxweynaha dalka u doorteen ayaa saacadihii ugu danbeeyay la baajiyay.
Farriimo loo kala diray xildhibaanada ayaa guddoonku ku sheegay in kulankaasi uu baaqday duruufo jira awgood, isla markaasina dib laga soo sheegi doono wixii soo kordha, iyadoo aan wax faahfaahin dheeraad ah laga  bixin.
Madaxda Soomaalida ayaa caado ka dhigtay markii la doorto inay casuumaad u fidiyaan xildhibaanada, arrintaas oo marka la eego xaaladda dalka ku jiro iyo abaaraha baahsan aanay munaasib ahayn.
Kharashka ku baxaya xaflad boqolaal xildhibaan kasoo qeybgalayaan ayaa lagu badbaadin karaa kumanaan dad ah oo biyo la’aan ku heyso gobollada dalka, waxaana haboon in laga gebi ahaanba meesha laga saaro xafladaha noocaasi  ah.
Goobjooge.com