Ra’iisal wasaaraha israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa kulan qarsoodi ah la yeeshay dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohammed bin Salman oo uu wehliyo xoghayah arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo.
Waxaa kaloo kulanka ka qeyb galay Madaxa Sirdoonka Mossad ee Yuhuudda Yossi Cohen, waxaana uu ka dhcay magaalada xeebta Sacuudiga ku taalla ee Neom, sida ay shaacisay warbaahinta Israa’iil.
Idaacadda dadweynaha Israel ee Kan public radio ayaa sheegtay in kulanka oo aan wax faahfaahin ah laga bixin xilliga uu dhacay uu socday muddo 5 saacadood ah, iyadoo looga hadlay qorshaha caadiyeynta xiriirka Israa’iil iyo dallaka Carabta oo ay wado maamulka Mareykanka ee Madaxweyne Trump.
Wargeyska Haaret ee Israa’iil aya soo bandhigay socdaalka diyaaradii qaaday wafdiga Ra’iisal wasaaraha Yuhuuda ee ka duushay magaalada Tel Aviv ilaa ay ka degtay magaalada Neom ee Sacuudiga.
Hore ayaa loo sheegay kulamo qarsoodi ah oo dhex maray Sacuudiga iyo Israa’iil, laakiin kulankan oo si weyn loo hadal hayo ayaa ah kii ugu weynaa ee madaxda Sacuudiga iyo Israa’iil dhex mara iyadoo uu goobjoog ka yahay xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka.
Madaxweynaha waqtigiisu dhammaanayo ee Mareykanka Donald Trump ayaa dadaal xoog leh u galay inuu soo celiyo xiriirkii dalalka carabta iyo israa’iil, taasoo keenay in dalalka Imaaraadka, Baxreyn iyo Suudaan oo xiriir toos ah la yeeshaan Israa’iil.
![](http://goobjooge.net/wp-content/uploads/2020/11/netanyahu-mbs.jpg)