Wararka laga helay ilo diblomaasi ayaa sheegaya inuu fashilmay qorshe lagu doonayay in lagu kulansiiyo Madaxweynah Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.
Kulanka oo ay qabanqaabadiisa wadeen madax ay ka mid yihiin madaxweyneynayaasha dalalka Jabuuti iypo Mauritania, isla markaana uu la shaqeynayay iyo ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ayaa qabasoomi waayey.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay inuu shuruud ku xiray kulankaasi, taasoo ah in marka hore Ra’iisal wasaaraha Itoobiya caddeeyo inuu ka noqda heshiiskii is-afgaradka ahaa uu la galay Somaliland.
Abiy Ahmed iyo maamulkiisa ayaa ilaa hadda ka caga-jiidaya inay ka laabtaan is-afgaradka Somaliland, iyo inay si cad u caddeeyaan inaysan faragelin dhuleed ku sameyneynin Soomaaliya.
Madaxda Afrika ee ka qeyb gashay shirkii Afrika iyo China ayaa bilaabay inay dib ugu laabtaan dalalkooda, waxaana hadda la sugayaa rajada harsan ee ah wareegga saddexaad ee shirka Somaliya iyo Itoobiya ee Turkigu dhexdhexaadinayo.