Bismilaahi. ASC.
Dhamaan walaalaha kheyrka Jecel ee reer Qaaddiid waxaan jecelahay inaan idila wadaago kulan adag oo na dhex maray aniga iyo Madaxweyne_Gaas caawa .
Marka hore waxaan aad ugu mahadcelinayaa walaalhii iyo odayaashii soo Abaabulay kulan khaas ahaan Abdulrashid AhmedAbshir iyo Abwaan Cabdirashiid .
Markii aan kulanay waxaa ragii odayaashahaa igu amreen inaan jilbaha ku dhago madaxweynaha raali gelin buuxdana siiyo maadaama uu Madaxweynuhu aad udhibsaday qoraalo badan oo aan ka qoray sida uu madaxweyne Gaas udiidan yahay in wax laga qabto dhibaatada qaadka Puntland.
Waxaan ku jawaabay anigu cidna ugurguuran maayo jilbahana qabsan maayo jilbahana qabsan waayo madaxweynaha qalad kamaan geline waxaan iftiimiyey inuu masuuliyadiisii dayacay.
Madaxweyne Gaas oo xanaagsan ayaa isagoo ragii odayaashahaa lahadlaya yiri bal fiiriya waxaad noo keenteen iyo ixtiraam darada.
Isagoo hadalka sii wata ayuu intuu si kibir weyn kujiro farta iigu soo fiiqay iguyiri waryaa soo ma rabtid in Dhbaatada Qaadka Iskuulada lagu dhigo oo qaadka magaalada laga saaro oo wixii kaloo macquula laga qabto anoo hanqaltaagaya ayaan ayaan kujawaabay haa Mudane Madaxweyne.
Hal sharuud ayaan kugu xirayaa hadaad fulisid intaas aad codsatay iyo wixii kaloo macquul ahba dowlada Puntland way samayn doontaa.
Waxaan iri haye mudane sharuuda iisheeg.
Wuxuu yiri laga bilaabo maanta ilaa mudo hal sano ah oo ku beegan 13 May 2017 masoo hadal qaadi kartid kamana hadli kartid dhibaatada qaadka ee Puntland nagumana cambaarayn kartid inaanaan waxba ka qaban.
Waxaa kaloo lagaa rabaa inaad dowlada taageertif oo soo jiidatid dowlada iyo masuuliyiinta dalka oo aad nala noqotid saaxiib dhow oo aad baahisid wanaaga iyo waxqabadka dowlada matkaad intaas samayso ayaan talaabo laga qaadi doonaa.Ishalaaah .
Waxaan ku jawaabay mudane madaxweyne horta howsha qaadku waa waajib adiga ILAAHAY hortiis kusaaran maaha arin aad aniga dangooniya iigu jirto mida kale soo ma ogid halkaas sano hadaan laga hadal oo wax laga qaban inta reer kudumaysa inta caruur gaajo kuseexanaysa miyaadan dareemayn wiilka yarkaa ee Garowe dhexdeeda gaajadu kuhayso oo lacagtii casho lagu siin lahaa dowlado kale ka qaateen. Waxaan intaas kudaray mudane madaxweyne SHARUUDAAS ma fulin karo xitaa hadaan yeeli lahaana nin balanka ilaaliya oo qowl leh laguguma sheegeyn.matka raali ahoow.
Hadalka intaas markaan marinayey ayuu madaxweynuhu istaagay aad ayuuna uxanaaqay wuxuuna canaan ugu dhaqaaqay ragii meesha fadhiyey asagoo ku celceliyey adeerayaaloow sow idinma oran ninkaas waan dhibsaday ee igadaaya yaa idin yiri waxaan Akhlaaq lahayn iikeena Iyagu waxay kusoo celceliyeen madaxweyne raali ahoow
Intaas kadib aniga intuu iisoo jeestay asagoo codkiisa kor uqaadaya yiri orod ciyaala suuq baad tahay anakaa waxaadan ahayn kaa dhignay oo fardo kugu soo dhaweeyney ee bal imoow Garoowe .
Waxaan ku iri madaxweyne shacabka Puntland ayeey ahaayeen waxa isoo dhaweeyey ilaa hadana raali ka ah in munkurka xaaraanta lala dagaalo hadeer hadaan berito tagona waa isoo dhaweeynayaan , hadalkaaguna waa Hanjabaad ee ogoow wuxuu ku jawaabay waad arki doontaa wuxuu yahaye car Puntland imoow intaas kadib waxaa garabkayga bi
Waxaa garbaha igagalay ragii meesha fadhiyey oo igu yiri Cawaale inakeen banaanka halkaad aan ku joojino.
Waxaan markale umahad celinayaa ragii isku dayey ineey nadhex galaan aniga iyo Madaxweynaha.
Madaxweynaha waxaan leeyahay Walaale Cagajugleys iyo hanjabaad hadaad mooday in ollolaha Qaaddiid lagu joojin karo ogoow Puntland oo dhanbaa Qaaddiid ah aniga waad ixiri kartaa dhowr maalmood laakiin ogoow Qaaddiid qof maaha ee qorshe qaran .
W/Q: Abuukar Cawaale Qaad-diid