Kulan saddex geesood ah ayaa magaalada Dhuusamareeb ku dhex maray Madaxweynaha iyo Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo manata gaaray halkaasi.
Guddoomiyaha Golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan labada aqak ayaa maanta lagu soo dhoweeyay Madaxtooyada Dhuusamareeb, iyagoo halkaasi kula kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa guddoonka Baarlamaanka warbixin ka siiyey howlgalka iyo guulaha Ciidanka Xooga Dalka iyo kuwa deegaanka, isagoo sheegay in dhowaan guulo waaweyn laga gaari doono Khawaariijta.
Labada Guddoomiye ayaa Madaxweynaha ku bogaadiyay doorkiisa la-dagaalanka Alshabaab oo ay sheegeen inay yihiin caddow oo caqabad ku ah jiritaanka dadka Soomaaliyeed.
Kulanka oo ah kii ugu horeeyay ee guddoomiyeyaasha labada Aqal ay meel ka baxsan Muqdisho kula kulmaan madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay inuu ahaa mid garab istaag loogu muujinayo Madaxweynaha oo muddo 2 bilood ku sugan Dhuusamareeb.