Ku-xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Molungo oo dowlada Soomaaliya ay shalay u qabatay inuu dalka uga baxo muddo 7 maalmood ah ayaa markii ugu horeysay ka hadlay go’aanka dowlada Federaalka Soomaaliya.
Mr. Mulongo ayaa isagoo ku sugan Muqdisho sheegay inay lama filaan ku ahayd, isla markaana uu la yaabay go’aanka laga soo saaray, wuxuuna intaas ku datay inuusan waxba kala socon , loona sheegin sababta.
“Waa wax lala yaabo, waayo waxaan ogahay inuusan jirin wax khalad ah sameeyay” ayuu yiri kuxigeenka wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay inaanu farmi karin waxa ku qornaa qoraalka isaga ku saabsan ee kasoo baxay dowladda Federaalka.
“Luuqada la adeegsaday waxaa ku jiray ereyo aan macnahooda iyo faahfaahintooda garan karin. Wax sabab ah ma jiraan. wax fikrad ah kama heysto arrintan waxa ay tahay. Waxaan ka hadli karaa wax dhab ah ee kama hadli karo ku-tiri-ku-teen” ayuu yiri Simon Molungo oo la hadlay Wargeyska Monitor ee dalka Uganda kasoo baxa.
Markii la weydiiyey waxa xigi doona arrintan ayuu ku jawaabay: “Hoggaanka ururka (Midowga Afrika) ayaa laga sugayaa tilmaanta, anigu ma saadaalin karo..”
.
Warar xog-ogaal ah oo wargeysku soo xigtay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaaddo tallaabooyinkan mararka qaarna ay ka danbeeyaan ay dad isku heysta xafiisyada.
“Ku dhawaaqida Simon (Mulongo) ee ah inuu yahay ‘Person-non-grata’ maaha wax la yaab leh; waxay hore ugu dhacday dublamaasiyiin kale. Mararka qaar marka dadka ka tirsan hay’adaha caalamiga ah ay ku kala aragti duwanaadaan goobaha shaqada, waxa ay helaan saaxiibo ka tirsan dowladda Soomaaliya si ay u farsameeyaan eryidda dadka kasoo horjeeda,” ayuu yiri diblomaasi ku sugan Muqdisho.
