Maareeye ku xigeenkii Hay’ada Tayo-dhawrka Soomaaliyeed ayaa loo dalacsiiyey Maareeye buuxa, iyadoo maareeye ku xigeen cusub la magacaabay sida uu qoraal kusoo saaray Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka.
“Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa u magacaabay Marwo Haawo Ahmed Hasan Maareeyaha Guud ee Hay’ada Tayo-dhawrka sidoo kale waxaa Marwo Suuban Cabdi Nuur Gaas loo magacaabay Maareeye Kuxigeenka Guud ee Hay’ada Tayo dhawrka”. ayaa lagu yiri Qoraal ay faadisay Hay’adda maanta.
Xilka Maareeyaha Hay’addan ayaa bannaanaa an iyo markii si lama filaan ah xilka looga joojiyey Agaasimihii hore Yaasiin Cali Gurbe oo Wasiirka Ganacsiga ku eedeeyay inuu ku kacay Musuqmaasuq iyo ku takri fal awoodeed.
Ku-simaha Maareeyaka Hay’ada Tayo-dhawrka Soomaaliyeed oo si ku-sime ah usii heysay xilka ayaa hadda loo magacaabay Maareeye buuxa, halka ku xigeen cusub loo magacaabay, taasoo ah haweeney kale oo ay dhashay xubin ka mida Golaha Wasiirada.
Madaxweynaha, Ra’iisal wasaaraha iyo Wasiirada ganacsiga ayaa muddo dhowr bilood ah xilalka ugu sareeya hay’adaha marna magacaabay, marna shaqo joojin ku sameeyay, taasoo muujinaya inaan la raacin sharcigii Hay’adda.
