Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulan albaabada u xiran yihiin maanta ku lahaa magaalada Muqdisho, kaasoo weli socda ayaa ku hungoobay inay jawaabo waafi ah ka helaan ku-simaha Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji oo ka mid ahaa taliyeyaasha Amniga ee la hor keenay Baarlamaanka.
Xildhibaabno dhowr ah ayaa su’aalahooda ku wjahay Ku-simaha Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda ee NISA Fahad Yaasiin, waxaana su’aalaha la weydiiyey intooda badan uu uga jawabay inaysan isagu quseyn, in caddeyn loo keeno iyo in hay’ado kale la weydiiyo.
Arrimaha ay xildhibaannada wax ka weydiiyeen waxaa ka mid ahaa sababta Sheekh Mukhtaar Roobow ay dowladdu u xirtay, isla markaana loo soo taagi la’ yahay maxkamad haddii uu denbiile yahay..?, Ciidamada ka tirsan Hay’adda NISA ee ka cabanayaan mushaar la’aanta..? iyo cidda ay u xiran yihiin Waddooyinka Muqdisho?
Fahad Yaasiin ayaa sheegay in NISA aysan wax lug lah ku lahayn xarigii Mukhtaar Roobow, sababta Maxkamada loo soo taagi waayeyna ay tahay arrin u taalla Hay’adaha Garsoorka oo ay tahay in la weydiiyo iyaga?. Mushaarka ciidamada NISA ayuu su’aal ka keenay isagoo dalbaday in la keeno qof NISA ka mida oo mushaar la’aan ka cabanaya, markaasina ay jawaabteeda leedahay Wasaaradda Maaliyadda.
Wadooyinka xiran ee Muqdisho ayuu ku gaabsaday inay yihiin go’aan guud oo dowladu gaartay oo aan si gaara u quseyn NISA, ayna tahay in la weydiiyo mas’uuliyiinta uu ugu horeeyo Madaxweyne Farmaajo, halka amniga dalka uu sheegau in wax laga weydiiyo Taliyaha Booliska.
Xildhibaannada ayaa u arkay in Fahad Yaasiin uu iska diiday inuu uga jawaabo su’aalahoodii, isagoo iska dhega mariyey, kana meermeeraya laakiin waxa is qoray xildhibaanno badan oo doonaya inay su’aalo kale weydiiyeen.
Kulanka ayaa galabta dib la isugu soo laabanayaa iyadoo su’aalaha halkooda ka socon doonaan, waxaana fadhiya wasiirada Amniga Gaashaandhigga iyo taliyeyasha ciidamada.