Wararka laga helayo degaanka Galcad ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-shabaab ay qarxiyeen
Masjid iyo Ceel matoor  ay dadka degaanka Galcad biyaha ka cabi jireen.
Xaalada magaalada Galcad ayaa  la sheegay inay ka jirto qasan, iyadoo Alshabaab ay ka war heleen weerar la filayo inay ku qaadaan ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya.
Hore ayay Alshabaab dad ugu laayeen Galcad, waxaana dhibaatada maanta ka dhacday degaankaasi ay sii kordhineysaa xaaladii adkeyd ee ka taagneyd degaankaasi.
Wararka qaar ayaa sheegaya inay jiraan dhaqdhaqaaq ciidan oo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku doonayaan inay ku qabsadaan Galcad.
Goobjooge.com