Kooxaha iska caabinta reer Falastiin ee Marinka Gaza ayaa Gantaallo badan ku garaacay Magaalooyin ka tirsan Israel, iyado xaafadaha ku dhow Marinka Gaza, kadib weerarkii ay Yuhuuddu ku dishay saddex ka mida madaxda ururka Jihaad Al-islaami.
Jawaabta kooxaha Falastiin oo timid 24 ka badan, markii uu weerarka Yuhuudda dhacay, ayaa lagu beegsaday magaalooyinka ku dhow Marinka Gaza iyo magaalooyin ay ka mid tahay Tel Aviv, iyadoo qasaaraha aanu weli soo bixin.
Warar kasoo baxay Maamulka Xamaas ayaa lagu sheegay in Jawaabta kooxaha Falastiin ay tahay mid mideysan oo looga jawaabayo gardarrada iyo xasuuqa ay Yuhuddu ka wado Marinka Gaza oo kuwii ugu danbeeyay ay maanta dhaceen, isla markaana shalay ay ku dileen ilaa 15 qof oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaasha Islamic Jihad.
Gantaalaha Kooxaha Falastiin ee lagu weeraray magaalooyinka Israel ayaa gaaray in ka badan 50 Gantaal, iyadoo qaarkood uu hawada ku qarxiyay nidaamka Difaca Gantaallaha Israel, halka Gantaallo kale ay ku dhaceen degaano kala duwan.
Dhinaca kale Diyaaradaha dagaalka Yuhuudda ayaa duqeyn ka wada Marinka Gaza, waxayna ilaa saaka fuliyeen ilaa dhowr weerar oo qasaare dhimasho iyo dhaawac ah dhaliyay.
Xaaladda Marinka Gaza ayaa kacsan, iyadoo sidoo kale magaalooyinka Isreal ee ku dhow Gaza iyo ilaa magaalada Tel Aviv ay sidoo kale gaareen gantaallaha kooxaha Falastiin, waxayna dadku raadsadeen meelo ay ku badbaadaan oo dhulka hoostiisa ah.