Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan ay weerar ku qaaday guddoomiye waaxeed ka tirsan degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.
Weerarka oo ka dhacay xaafadda Carte ee degmada Heliwaa ayaa lagu qaaday gudoomiyaha Waaxda Barwaqo ee degmada Hilwaa Haashim Maxamed Salaad iyo askari ilaale u ahaa, waxaana labadaba soo gaaray dhaawac, sida ay sheegeen dadka degaanka.
Dableydii weerarka ka dambeysay ayaa baxsaday, waxaana halkaasi gaaray ciidamada amniga, iyadoo aan lagu guuleysan in la qabto.
Guddoomiye waaxeedka ka badbaaday falka lagu khaarijin lahaa ayaa dhaawaca soo gaaray lagu sheegay mid fudud, waxaana weli wax war ah kasoo saarin hay’adaha amniga magaalada Muqdisho.