Faahfaahin ayaa laga helayaa Dil maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan suuqa Bakaaraha oo lagu khaarijiyey Nin la heegay inuu ahaa farsamo-yaqaan.
Koox Bistoolado ku hubeysan ayaa weerar kuq aaday ninkan ooahaa Farsama-yaqaan sameeya Telefoonada Mobile-ada loo yaqaan, ninkaas oo ka howlgeli jiray qeybta Cabdalla Shisheeye ee Suuqa Bakaaraha, iyagoo goobta ka baxsaday markii ay falka dilka ah y getysteen ninka ay beegsanayeen.
Muddo kad ib ayaa waxaa halkaasi gaaray Ciidamada Amniga ee Booliska, waxayna halkaasi ka sameeyeen baaritaan aan cidna lagu soo qaban, waxaana meyda ninka la dilay halkaasi ka qaaday dad shacab ah oo ay ehel yihiin
Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan ayaa muddooyinkii danbe nabdoonaa inkastoo ay mararka qaarkood ka dhacan falalka dilalka khaairijinta ah.