30 askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka dalka Masar ayaa lagu dilay iska hor imaad hubeysan oo dhex maray koox looga shakisan yahay in ay mintidiin yihiin.
Is rasaasaynta ayaa bilaabatay kadib markii booliiska ay u dhaceen xaafada Baaxaad oo ku taalla Gobolka Jiiza, Koonfur Galbeed ee maqaalada Qaahira, halkaasi oo ay ku dhuumanayeen kooxdan isla markaana ku xooganaayeen.
Ciidamada ayaa markii danbe adeegsaday diyaaradaha helikotarka si ay kooxda u beegsaday. Kooxdani oo isku dayayay in ay baxsadaan ayaa waxa ay rasaas ku fureen booliiska.
Kooxdani laga shakisan yahay ayaa waxa ay rasaasta ka soo ridayeen dhismooyiin dhaadheer, waana qasaarihii ugu weynaa ee ciidamada masar kasoo gaara koox hubeysan gudaha magaalada Qaahira.
Wararka ayaa sheegaya in mintidiintani ay ka tirsan yihiin kooxda lagu magacaabo Hasm, oo horey weeraro ula bartilmaameedsaday ciidamada ammaanka.