Sunday, January 26, 2025

Faahfaahin: Koox falal Dil iyo Qaraxyo ka geysatay Muqdisho oo la raadinayo

Faahfaahin ayaa ka soo baxeysa koox lagu tuhunsan yahay inay Alshabaab tahay oo weeraro ka geysatay degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.

Kooxdan hubeysan ayaa wadatay Gaari NISSAN SURF ah, waxayna  maanta Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir waxaa ay ku dileen labo ruux oo kala ahaa Darawalkii Guddoomiyaha degmada Boondheere iyo Askari ilaalo u ahaa guddoomiyaha.

Kooxdana ayaa la sheegay inay is rasaaseyn dhex martay ciidamada Degmada, kadibna ay eryadeen iyagoo isla gaaray afka hore ee Suuq Bacaad, kadibna kooxda dableyda ah waxaa is rasaaseyn kale dhex martay ciidamada NISA, taasoo looga dilay mid ka mida dableydii gaariga wadatay.

Ad

Saddex ka mida dableyda ayaa baxsaday iyagoo gaarigii ay wateen uga tegay afka hore ee Suuq Bacaad, waxaana dhacday  in gaarigii uu qarxo.

Ciidamada ayaa xiray goobta qaraxu ka dhacay, waxaana socda howlgallo lagu raadinayo saddex ruux oo baxsaday iyadoo ciidamo fara badan ay galeen degaanka Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid, waxaana wararkii ugu danbeeyay oo aan la xaqiijin ay sheegayaan in la qabtay kooxdii baxsatay.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON