Tuesday, May 21, 2024

Koox Alshabaab Dil Qorsheysan ka fulisay Muqdisho oo Gacanta lagu soo dhigay

Ciidanka Booliiska ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan Boliiska degaanka Garasbaaley ayaa maqribnimadii caawa gacanta ku dhigay shabakad ka kooban 4-dhalinyaro ah oo dil u geystay Askari ka tirsanaa ciidamada Milateriga.

Xubnahan oo Boolisku shaaciyay sawiradooda iyo Bistooladihii ay ku hubeysnaayeen ayaa ku edeysan dilka Xasan Cabdulqaadir Ibraahim oo ka tirsanaa ciidanka Xoogga Dalka, waxayna Boolisku qoraal ay soo saareen ku sheegeen in ka-dabatag ay sameeyeen ay gacanta ku soo dhigay kooxdan oo wadatay Mooto iyo laba Bastooladood oo ay dilka ku geysteen.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Booliska

Ad

Maantay oo Taariikhdu tahay 28/02/2024 Abaare 16:15 daqiiqo Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Saldhigga Boliiska Deegaanka Garasbaaley. Waxeey gacanta kusoo dhigeen shabakad ka kooban 4 dhalinyaro ah kuwaas oo dilay Marxuum: Xasan C/Qaadir Ibraahim kana tirsanaay CXDS.

Dilka kadib Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo sameeyay kadabatag ayaa Gacanta kusoo dhigay shabakad oo watay Mooto iyo Laba Bastooladood oo ay dilka ku geesteen.

Waxaana la horgeydoonaa Maxkamadda awooda u leh Insh-Allah.

- Advertisement -

Wabillahi Towfiiq.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON