Saturday, April 20, 2024

Kolonyo Sarkaakiil Mareykan ah la socdaan oo lagu qarxiyay Duleedka Kismaayo

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Duleedka magaaladaasi Qarax lagula beegsaday Kolonyo ciidamada Danab ee ka howlgala Jubbooyinka.

Kolonyadan ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen saraakiil iyo ciidamo Mareykan ah, gaar ahaan kuwa ka howlgala Jubbooyinka ee saldhigoodu yahay Garoonka magaalada Kismaayo.

Alshabaab ayaa sheegatay inuu Qaraxa oo ahaa Miino, kana dhacay inta u dhaxeysa Birta dheer iyo Degaanka Harboole ee duleedka magaalada Kismaayo ay ku gubeen Gaari ka mid ahaa Kolonyada.

Ad

Lama oga qasaaha gaaray saraakiisha Mareykanka iyo ciidamada Danab, balse Alshabaab ayaa shaacisay inuu burbur xoog leh gaaray Gaariga qaraxa qabsaday, qasaarena kasoo gaaray ciidamada Mareykanka.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Taliska ciidamada Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland oo ku saabsan Qaraxyada Miino ee ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON