Friday, December 1, 2023

Kolonyo ka tirsan Ciidamada ATMIS oo Muqdisho lagu qarxiyey iyo faahfaahin laga helay

Qarax Miino oo lala beegsaday Kolonyo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika xilli ay marayeen agagaarka Isgooska Cali Kamiin, degmada Wardhiigley magaalada Muqdisho.

, waxaana qaraxana lala beegsaday kolonyo gaadiid ah ay wateen ciidamo katirsan ATMIS.

Qaraxa oo ahaa nooca la hago ayaa ahaa mid xoog leh oo qabsaday, kaasoo burbur gaarsiiyey Gaari gaashaaman oo ka mida haa kolonyada ciidamada ATMIS (Ex, AMISOM), waxayna dadka degaanka sheegeen inay arkeen waxyeelo gaartay gaadiidka ciidamada.

Ad

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa uu muddo kooban hakiyey kolonyada ciidamada ATMIS, iyadoo markii hore rasaas furay, kadibna socdkoodii sii watay markii ay hubiyeen Gaariga qaraxa ku waxyeeloobay.

Ma cadda qasaaraha ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS kasoo gaaray qaraxa saaka lala beegsaday oo ah kii ugu horeeyay muddo bilo ah oo Muqdisho dhexdeeda loo dhigo, iyadoo aysan ATMIS ka hadlin inta badan qaraxyada noocan oo kale ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON