Saturday, January 25, 2025

Kiiskii Ikraan Tahliil oo Dib u soo noolaaday iyo Qoyskeeda oo Dacwad cusub furtay

Waxaa mar kale dib u soo noolaaday kiiska Sarkaaladii ka tirsaneyd Hay’adda Nabadsugidda NISA ee Ikraan Tahliil oo 3 sano ka hor lagu waayey nolol iyo geeri, dowladii Farmaajana ay ku eedeysay inay adfuubteen oo khaarijiyeen Alshabaab.

aali Maxamuud Guhaad oo ah Hooyada dhashay Ikraan Tahliil aya mar kale maanta maanta warbaahinta kula hadashay caasimadda Muqdisho, iyadoo sheegtay inay weli dhiban tahay oo aysan nolol iyo geeri ku heynin gabadheeda, ayna dacwad cusub ka furatay Maxkamadda Ciidamada.

Waxay baaq u dirtay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxda dowladda Soomaaliya inay kiiskan wax ka qabtaan oo fuliyaan ballanqaadyadii ay bixiyeen ee ahaa in cadaalaad loo helo gabadheeda nolol iyo geeri uga maqan.

Ad

“Qof walba oo Soomaali ah ayaa isha ayuu ku haaya kiiskan, wayna iga aamusan yihiin. Wax la ii qabtay ma leh, wal-bahaar ayaan la noolahay.” ayey tiri Hooyo Qaali oo dowladda Xasan Sheekh ku eedeysan inaysan waxba u qaban.

Kiiskan oo si weyn loo siyaasadeeyay xilligii Doorashada 2022 ayaa lagu eedeeyay inay ka danbeeyeen Agaasimihii NISA ee xilligaasi Fahad Yaasiin iyo kaaliyihiisa C/llaahi Kulane oo hadda ah xildhibaan mucaarad ah, balse waxaa la yaaba noqotay inay dowladii Xasan Sheekh iyo Agaasimihii hore ee NISA Mahad Salaad dhaqaajin waayeen, kana gaabsadeen kiiskan oo labada dhinac isku eedeeyeen.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON