Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxday laba gabdhood oo walaallo ah oo la sheegay in lagu afduubtay magaalada Muqdisho, iyadoo ay War kasoo saareen Ciidamada Booliska iyo Waalidka gabdhahaasi.
Afhayeenka ciidamada Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in labada gabdhood oo lagu kala magacaabo Asmo Cabdullaahi Cismaan iyo Shaadiyo Cabdullaahi Cismaan, dad’doosuna kala tahay 15 sano jir iyo 13 sano jir inay been tahay afduubka hore loo shaaciyey in lagula kacay degmada Deyniile.
“Gabdhahan oo gurigooda ka tegay, markii ay soo daaheen ay ka baqeen aabahood, ayna abaabuleen qorshaha Afuubka si ay uga badbaadaan in waalidkood uu ciqaabo. Afduub sax ma jirin waa afduub ay gabdhaha abaabuleen”. ayuu yiri Afhayeenka Booliska.
Afhayeenka booliska wuxuu intaasi raaciyey in afduubka beenta ahaa ay caddeyn u tahay in Telefoonkooda uu markasta shidnaa, ayna dad kala duwan la xiriireen, arrinta oo dhanna ay ahayd qorshaha afduubka beenta ah.
Aabaha dhalay gabdhaha la sheegay in la afduubtay C/llaahi Cusmaan Abkow ayaa saxafiyiinta u sheegay inay waayeen gabdhaha, raadis badan kadibna ay warar kala duwan u sheegeen sida in la afduubtay, laakiin markii danbe ay u yimaadeen, balse ay been noqotay afduubka ay sheegteen.
Kiiska labadan gabdhood ayaa qabsaday baraha bulshada, iyadoo Warbaahinta Muqdisho ay si weyn u faafisay, wuxuuna isu bedelay kiis been ah oo gabdho yaryar u abaabuleen inay uga badbaadaan aabahood, balse si kale isu bedelay.
Gabdho hore la iiga qaatay ayaan bedelkooda u heystaa, inay ii shaqeeyaan ayaan rabaa
