Monday, February 10, 2025

Kiis ka dhashay Tiktok oo Dil Toogasho ah loogu xukumay Askari ka mida Dharcadka NISA

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida ayaa xukun dil iyo xabsi ciidan ah ku ridday saddex nin oo dhallinyaro ah oo laba ka mida ka tirsan yihiin ciidamada Hay’adda NISA ee Dharcadka loona yaqaan ilaalada Shacabka.

Maxamed Abuukar Dayax oo ka tirsan Dharcadka NISa ayaa lagu xukumay Dil toogasha ah, halka Maxamed Cali Cusmaan oo iska ka mida Dharcadka NISA lagu xukumay 5 sano oo Xabsi Ciidan ah. Sidoo kale Sharma’arke Xuseen Jimcaale (Cr), ayaa lagu xukumay xabsi sannad ah.

Arrintan ayaa ka danbeysay gabar ay isku qabsadeen koox Tiktokley ah, taasoo ay wada socdeen Wii lagu magacaabo CR, kadibna ay darteed ku dagaal gacanta ah ku dhex maray Maxamed Faarax.

Ad

Dagaalkaasi dhalinyaro ayaa keenay in Midkood uu soo kaxeystay ciidamada Dharcadka NISA ee Maxamed Abukar Dayax iyo Maxamed Cali Cusmaan, waxaana dhacay in is-maandhaaf dhacay kadib uu Maxamed Abuukar Dayax uu dilo marxuun Saciid Cabdi Cali oo isagu xaalada waanwaan ka dhex waday.

Maxkamadda ciidamada ayaa xukunka dilka ah iyo Xabsiga ku riday saddexda qof ee laba ka mida ay ka tirsanaayeen ciidamada Hay’adda Nabadsugidda ee NISA oo markii ugu horeysay la hor keenay Maxkamad.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON