Waxaa soo kordhay Khilaafka u dhaxeeya ganacsadaha caanka ah iyo asaasaha Shirkadda World Remit Ismaaciil Axmed iyo Bankiga Dhexe ee Somaliland.
Isku dhaca ayaa bilowday, kadib markii uu Ganacsade Ismaaciil Axmed qoraal uu Baraha bulshada soo dhigay ku eedeeyay Qiime dhaca xad-dhaafka ah ee ku yimid shilinka SomaliLand, una baahan in degdeg ah wax looga qabto.
“Waxa hoos u dhaca qiimaha shilinka Somaliland uu ka dhashay: Bangiga Dhexe oo joojiyey tallaabooyinkii lagu xoojin jiray shilinka ee doollarka suuqa lagu gelin jiray. Bangiga Dhexe oo lacago ka badan tii daabacnayd qaab digital ah suuqa u soo geliyey iyo Bangiga Dhexe oo ku mashquulay lacago kale oo dibadda lagu soo daabacayo, taasi oo hoos u dhigtay kalsoonidii shilinka lagu qabay”. ayuu qoraalkiisa ku yiri Ismaciil Axmed.
Bankiga Dhexe ee Somaliland ayaa jawaab adag ka bixiyey eedaha uga yimid maamulkaa shirkadda Wordl Remit, waxayna qoraal u soo saaray ku sheegay inuu sharciga la tiigsanayo Ganacsadaha.
“Baanka Dhexe ee Somaliland waxa uu sharciga la tiigsan doonaa Ismaaciil Axmed oo beeno iyo eedo aan sal iyo raad toona lahayn u gaystay Baanka iyo Madaxdiisa isla markaana khal-khal ka abuuray suuqyada sarifka ee dalka”.” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Mukhtaar Cumar Cali oo ah Agaasimaha Xiriirka Dadweyanaha iyo Arrimaha Dibedda Bankiga Dhexe Somalliand
“September 23, 2023, Ismail Ahmed, oo ka mid ah Mulkiilayaasha Shirkadda Worldremit waxa uu siddii caadadda u ahayd ku baahiyay Barta uu Facebook-ga ku leeyahay warar Been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn. Muddooyinkii ugu danbeeyay Ismail Ahmed waxa uu caadaystay faafinta wararka ku-tiri-ku-teenka ah ee lagu Khalkhal gelinayo deganaanshaha suuqyada maaliyaddeed ee Somaliland”. ayaa ka mid ahaa qoraalka Bankiga dhexe ee Somaliland.
Jawaab cusub oo ka timid Ismaaciil Axmed ayuu kusoo bandhigay Qaansheegtii shirkadda lacagta u daabacday Somaliland ay soo dallacday oo ay ku faahfaahsan tahay qeyb ka mida lacagaha loo diray shirkaddan oo dhan $1,902,587.10.
“Iyadoo maanta Baanka Dhexe ku mashquulsan yahay lacagaha la soo daabacayo oo Guddoomiyihii Bangiga Dhexe joogo London, waxa dambi kale ah in beenta cad ee intan le’eg dadka loo sheego”. ayuu jawaabtiisa ku yiri Guddoomiyaha WorldRemit.
Wuxuu soo jeediyay in arrintan si degdeg ah wax looga qabto, oo kharashka malaayiinka ah ee lagu bixinayo in lacag cusub lagu soo daabaco loo adeegsado in shilinka kor loogu qaado.