Monday, October 2, 2023

Khilaafka dhex maray Wasiirka Batroolka & Guddoomiyihii Hay’adda Batroolka (Akhriso Warbixin Xasaasi ah)

Baarlamaanka Federaalka ayaa soo dhex galay khilaaf xoog leh oo dhex maray Wasiirka Batroolka ee Soomaaliya C/rashiid Maxamed Axmed iyo Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Ibraahim Cali Xuseen oo keenay in xilka laga qaado Guddoomiyaha oo la magacabay July 2020.

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga iyo Bii’ada Baarlamaanka Federalka ayaa sharci darro ka dhigay xil ka qaadistii Guddoomiyaha Hay’adda batroolka, wuxuuna Ra’iisal wasaara ugu baaqay inuu arrintan tallaabo ka qaado.

Khilaafka Wasiirka iyo Guddoomiyaha ayaa la soo bilowday isla markii la magacaabay, wuxuuna salka ku hayey wasiir C/rashiid oo doonayey inuu isagu lahaado awodda ugu danbeysa ee arrimaha heshiisyada shidaalka iyo guddoomiyaha Hay’adda Batroolka oo ka duulayey inuu madax u yahay Hay’ada shaqadeeda u madax bannaan.

Ad

Khilaaf dibadda u soo baxay iyo dagaal awoodeed oo agar bilood socday, kadib Wasiir C/rashiid ayaa taageero ka helay madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha taasoo keentay in Golaha Wasiirada xilkii ka qaadaan gudoomiyaha HBS Ibraahim Cali Xuseen, lagana saaro xubinnimadii Hay’adda.

Arritan oo aan lagu shaacin Warbaahinta dowladda waxaa soo dhex galay Guddiga Kheyraadka Baarlamaanka oo kulan su’aalo weydiin ah la yeeshay Wasiirka Bartoolka, kulankaas oo buuq ku dhammaaday waxaa la shaaciyey qoraalka wixii dhex maray Wasiirka iyo xubnaha Guddiga, su’aalihii la weysdiiyay Wasiir C/rashiid iyo jawaabiihiisii.

Warbixinta waxaa cad heerk uu garay loolanka awoodeed ee dhex maray labda mas’uul iyo tallaabooyinka uu qaaday Wasiirka oo intooda badan sharci darro ah, inkastoo sida uu ku yimid Guddiga Batroolka markii horeba farta lagu fiiqay.

- Advertisement -

HOOS KA AKHRISO DOKUMENTIGA GUDDIGA OO DHAN

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,984FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,984FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!