Khilaafaad maamul iyo Musuqmaasuq ku saabsan Qandaraasyo la bixiyey, shaqaale la eryay oo Boosaskooda qaar kale lagu bedeshay iyo Adeegyo loo xiray shirkado iyo dad gaara ayaa hareeyay Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Ra’iisal wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Waxaa si isddaba joog ah u soo shaac baxaya khilaafadka ka taagan Wasaaradaha dhexdooda, waxaana 24kii saac ee ugu daneeyay soo baxay khilaafka ka dhex taagan Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Wasiiru dowlihii Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Maxamed Cumar Caananuug ayaa soo saaray qoraal uu isku casilay, isagoo Wasiirka Wasaaradda Fardowsa Cusmaan Cigaal ku eedeeyay inay ku kacday falal awood sheegasho ah oo ay ku eriday shaqaale kala duwan iyo ku takrifal awoodeed.
“Mudane Ra’isul Wasaare, tan iyo markii aan la wareegay xilka wasaaradda, waxaa si joogta ah iigu imaan jiray shaqaale iyo qanderaasleyaal dacwo ka ah wasiirka wasaaradda, kuwaas oo ku eedeeyay inay ku takrifal awoodeed iyo baal-maris sharci” ayuu ku yiri warqadda is-casilaadda ee uu u diray Ra’isul Wasaare Xamsa.
Qoraalka is-casilaadda Wasiiru dowlaha waxaa ka mid ahaa: “Markii aan arkay in si joogto ah shaqaale waajibaadoodka gudanaya ay u ceyrisay, si ay ugu bedesho dad aan ku habbooneyn laguna soo xushay dano gaar ah. Kaddib markii ay i soo gaartay cabashooyin joogto ah, oo shirkado iyo qanderaasleyaal bixiya adeegga garoonka Aadan Caddey, oo heysta ruqasado sharci ah oo soo maray habraaca sharci ee dalka, kuwa wasaaradda u deggan iyo wax ka qabasha la’aanta Ra’isul Wasaaraha dhammaan eedaha kor ku xusan, waxaan go’aansay in maanta laga billaabo aan caddeynayo inaan iska casilay xilkii Wasiir-dowlaha wasaaradda Gaadiid iyo duulista Hawada”
Is-casilaadda Wasiiru Dowle Maxamed Cumar Caananuug ayaa ka danbeeyay kadib qoraallo iska horjeeda oo kasoo kala baxay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulida Fardowsa Cigaal iyo Wasiiru dowlaha oo ku saabsan shaqo ka joojin shirkadda Prime Aviation Fuel oo shidaalka siin jirtay Diyaaradaha yimaada Garoonka Muqdisho.
Dhinaca kale Agaasimihii Qeybta Arkiifiyada Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa shaqada laga fariisiyay, kadib markii la sheegay in lagu eedeeyay dusinta qoraal la sheegay in Fiisaha Kenya loogu xiray shirkad gaara.
HOOS KA AKHRISO IS-CASILAADA
