Monday, June 16, 2025

Khilaaf ka dhex qarxay Maamulka TV-ga Dowladda iyo Madaxtooyada Somaliya (Jawaabta culus ee SNTV)

Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyadu uu ka shaqeynayo iska hor keenidda TV-ga iyo Bulshada

Khilaaf ayaa ka dhex qarxay Qeybta Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya iyo maamulka TV-ga Qaranka, kadib markii Maamulka TV-ga Dowladda Federaalka SNTV uu jawaab ka bixiyey eedeyn loo jeediyey oo ku saabsan sababta uu usii deyn waayey Khudbadii Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo jeediyey ee ku saabsanayd Go’aankii ay Maxkamadda ICJ kasoo saartay Dacwadii Badda ee Somaliya iyo Kenya.

Dad badan oo isugu jira mucaarad iyo taageerayasha Farmajo ayaa dood ka abuuray baraha bulshada iyadoo maamulka TV-ga ku eedeeyay inuusan sii deyn khudbadaasi oo mar dambe ka baxday SNTV, iyadoo taageerayafasha Farmaajo ay baraha bulshada ka bilaabeen olole SNTV loogala noqonayo (Like-ta).

Ad

Qoraalka maamulka SNTV ayaa lagu caddeeyay in arrintaasi uu sababteeda lahaa xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada oo aan khudbadda oo lasii duubay u dirin TV-ga Qaranka, balse TV-yada uu xiriirka la leeyahay u diray, kadibna xilli danbe gaarsiiyey TV-ga Dowladda.

Khilaafka Warbaahinta dowladda iyo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa soo bilowday markii ay warbaahinta sharci ahaan ula safatay Ra’iisal wasaaraha oo ay diiday inay baahiso wareegtooyinka Farmaajo ee ku wajahnaa xukuumadda ee ka dhashay khilaafka kiiskii Ikraan Tahliil Faarax.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA UU MAAMULKA SNTV SOO SAARAY

- Advertisement -

Maamulka Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed Waxaa caddeynayaa in Khudbaddii Madaxweynaha ee xalay ay na soo gaartay goor dambe, isla markii ay na soo gaartayna aannu soo gelinay TV-ga.

Daahista khudbaddu waxa ay ka timi xafiiska warbaahinta ee madaxtooyada oo meelo kale ku horreysiiyey, Sidoo kale ma jirto taageeryaaal (followers) ka laabtay page-ka SNTV, waxa na follow gareeyay 1.2 million oo qof waana sidoodii.

Sidoo kale waxa SNTV jecel ama like siiyey 762 kun oo qof oo Reer Facebook ah. Waxaan bulshada u caddeyneynaa in Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyadu uu ka shaqeynayo iska hor keenidda TV-ga iyo Bulshada isagoo u tusaya in Warbaahintu diidday baahinta Warka madaxweynaha.

Beeni raaad maleh.Waad mahadsan tihiin
Sharmarke Maxamed Warsame
Agaasimaha SNTV1 iyo SNTV2

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON