Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa ka digay haddii aan degdeg wax looga qaban fatahaadda ka jirta Gobollo ka mida Soomaaliya inay natiijada ka dhalata noqon karto Musiibo Soomaaliya ku habsatada.
Qoraal uu Ra’iisal wasaaraha u kala diray ururada caalamig ah ee gargaarka iyo Beesha Caalamka ayuu ku faahfaahiyey saameynta ka dhalatay fatahaadda ka dhacday maamullada Hirshabeelle iyo K/Galbeed, wuxuuna sheegay inay ugu darran tahay magaalada Beledweyne oo 85% ay biyo qariyeen, ayna ku barakaceen dad ka badan 220-kun oo qof.
Wuxuu ugu baaqay beesha caalamka inay dowladda Soomaaliya ka taageerto sidii loogu gurman lahaa, loona badbaadin lahaa dadka badbaadada u baahan ee fatahaadda webiga iyo daadadka ay halista geliyeen noloshooda.
AKHRISO QORAALKA