Sunday, January 26, 2025

Kheyre iyo Madax ka tirsan Dowladda oo ka qeyb galay Xaflad lagu xusay maalinta Midowga Jarmalka. (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta Muqdisho uga qeyb galay munaasabad lagu xusay maalinta dib u midowga Germany.

Xuskan oo Muqdisho lagu qabto sanadihii ugu danbeeyay ayaa lagu xusaa 3-da October, 1990 markii Jamhuuriyaddii federaalka Germany iyo Jamhuuriyaddii Dimuquraadiga Germany (Jarmalkii Bari ) oo ay midoobeen labadii Jarmal ayaa waxaa ka qeyb galay madax ka tirsan dowladda Somalia iyo golayaasha xukuumadda iyo Baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo khudbad ka jeediyay munaasaabadda ayaa sheegay in dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay Germany ka baranayaan sida qaran loo mideeyo xilliga ay adag tahay, sida dhibaatooyinkii dhacay loogu bedelo mustaqbal barwaaqeysan, qorshaha dadka leesugu keeno, looguna sameeyo bilaaw cusub oo wanaagsan, khibradda federaalka, qaybsiga kheyraadka iyo dhismaha hannaanka looga gubo kala qaybsanaan soddon sano jirsatay.

Ad


Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON