Wasiirka cusub ee Gargaarka xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa hadal la yaab leh ka sheegtay xalfad ka dhacday Muqdisho oo xilka cusub lagu soo dhoweeyay, waxayna si aan hore loo arag uga hadashay maqaamka Madaxweynaha.
“Sidee dad dowlad leh ay beesha caalamka wax u weydisan karaan…? Sidee dad heysta Madaxweynaha Maxamed C/llaahi Farmaajo oo kale heysta ay Beesha Caalamka gargaar u weydiidan karaan..?!!” ayey tiri Khadiijo Maxamed Diiriye oo dhaliishay dadka Beesha caalamka baaqyada gargaarka u dira ee Soomaalida ah.
Waxay intaas ku dartay in Wasaarada gargaarka aysan hore u jirin, Madaxda Qaranka, sida madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ay meel soo gaarsiiyeen, halkaasin ay kasii anba qaadi doonaan.
Soomaaliya ayaa ku xiran gargaarka dibadda iyo taageerada Beesha Caalamka, waxaana Miisaaniyadda dowladda ku dhowaad 50% ama kala bar ay ka timaadaa kaalmo dibadeed, taasoo waxba kama jiraan ka dhigeysa hadalka kasoo yeeray Wasiirad Khadiija.
Dhaqanka Dowladdnimada muddooyinkan danbe waxaa kusoo kordhaya wasiirada guul-wadeynta iyo amaanta madaxda ku celcelinaya musaasabad kasta.
Akhriso: Golaha Wasiirada oo ansixiyey Miisaaniyadda dowladda 2020
Akhriso: Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye oo xoog ku heysta Gurigii Agoonta Jeneraal Maxamed Abshir Muuse