Tuesday, February 18, 2025

Kenya oo soo bandhigay meydadka maleeshiyadii Alshabab ee weerartay Saldhigga Lamu [Diyaarad Basaas oo la burburiyey]

Waxaa baraha bulshada lagu baahiyey muuqaallada maleeshiyo ka tirsan Alshabaab oo saaka weerar ku qaaday saldhigga ciidamada Cirka Kenya iyo Mareykanka ku leeyihiin gobolka xeebta ee Lamu.

Afhayeenka ciidamada Milateriga Kenya ayaa sheegay inay dileen afar maleeshiyo oo ka tirsan Alshabaab, isla markaana laga furay qoryo ay ka mid yihiin PKM iyo RPG, iyadoo aysan caado u ahayn inay faafiyeen sawirrada meydadka ayay ciidamada Kenya baahiyeen meydadka ilaa shan nin oo xiran dareyska ciidamada.

Dhinaca kale Diyaarad nooca wax basaasa ah oo Mareykanku leeyahay ayaa lagu gubay weerarka, waxaana muuqaallada ay baahiyeen Alshabaab maanta laga arkay diyaarad casri ah oo nooceedu yahay Dash 8, taasoo ka mid diyaaradhihii ugu danbeeyay ee Mareykanka u adeegsato sahanta iyo basaasida kooxaha argagixisada ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON