Dowladda Kenya ayaa sheegatay inuu dhul uga maqan yahay Xuduudka ay la leedahay Soomaaliya, iyadoo Maxkamadda Cadaaladda Adduunke ee ICJ u dirtay dalab cusub.
Sida uu qoray Wargeyska Daily Nation Dowladda Kenya Dowladda dalkaasi waxay qoraal u dirtay Maxakmadda ICJ, iyadoo ka codsaneysa in dib loo dhigo kulankii Dacwad qaadista Kiiska Badda ee Somalia iyo Kenya, waxayna sabab uga dhigay inaysan xilligan dowlad sharci ah ka jirin Somalia iyo inuu dhul uga maqan yahay Xuduudka Soomaaliya oo ay caddeymo cusub diyaarineyso.
Kenya ayaa la timid qorshe cusub oo ay dooneyso inay dib ugu sii dhigto dacwadda Kiiska Badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya oo ay hore u joojisay muddo saddex jeer ah, waxaana hadda lagu balansan yahay inay dib u bilaabato 15-ka Bisha Maarso 2021.
Arrinta cusub ee Kenya la timid ayaa kusoo beegmeysa iyadoo la bedelay guddoomiyihii Maxkamadda ICJ ee Soomaaliga ahaa C/Qawi Ahmed Yuusuf oo Kenya hore uga sheegatay inuusan dhexdhexaad ahayn.
Lama oga in Maxkamadda ICJ ay amrkii afraad ogolaan doonto codsiga Kenya ku dooneyso in dib loo dhigo qaadista dacwadda Kiiska Badda ee Somalia iyo Kenya, taasoo haddii ay dhacdo niyadjab ku ah Soomaalida.
