Dowlada Kenya ayaa shaacisay in wafdigii ka qeyb galay caleemo saarkii madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islam ay ogolaansho ka heysteen dowladda Soomaaliya.
“Kenyaanka tegay sidii ay ugu dabbaaldegi lahaayeen guusha doorashadii xorta iyo xalaalsha ahayd ee sida nabdoon uga qabsoontay Jubaland, waxay halkaas ku joogeen aqoonsi iyo oggolaansho ay ka heysteen dowladda Soomaaliya, qasab kuma aysan tegin halkaas, dowladda Soomaaliya si buuxda ayay uga warheysay”, ayuu yiri xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya, Macharia Kamau.
Isagoo u waramay BBC-da ayuu ku celceliyay in dowladda Soomaaliya ay sii ogeyd wafdigii ka qeybgalay caleemasaarka madaxweynaha Jubaland, oo aysan jirin wax xad-gudub ah oo Kenya ay ku sameysay Soomaaliya.
Mowqifka dowladda Kenya ee ah in doorashadii dhawaan ka dhacday Jubaland ay ahayd mid xor iyo xalaal ah, si nabad ahna ku qabsoontay ayaa ka hor imaanaya warqad ay dowladda federaalka Soomaaliya soo saarta kadib doorashadii Jubaland, warqadaas oo ay ku sheegtay in aysan aqoonsaneyn doorashooyinkii ka dhacay magaalada Kismayo