Saturday, March 15, 2025

Kenya oo qaaday tallaabo lama filaan ah, kana baaqsatay Dhegeysiga Dacwadda Badda (Faahfaahin)

Dowladda Kenya ayaa qaadaysa tallaabo lama filaan ah, markii ay ka baaqsato inay ka qeyb gasho dhageysiga Kiiska Dacwadda Badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya, taasoo loo balansanaa inay Berri oo ku beegan 15 Maarso 2021 ka furanto maxkamadda Cadaaladda ee ICJ.

Sida laga soo xigtay ilo Warbaahineed oo Kenyaan ah dowladda Kenya ayaan ka qeyb galeyni doonin dhageysiga Dacwadda Somalia iyo Kenya, taasoo ay sabab uga dhigtay xaaladda Covid-19 oo dooneyso in markii afraad dib loo dhigo Kiiska iyo Qareen ka tirsan Maxkamadda ICJ oo Soomaali ah.

Maxkamadda ayaa muddo saddex jeer ah hore dib ugu dhigtay codsiga Kenya, waxayna maxkamadda ICJ sidoo kale aqbashay codsiga Kenya ee ahaa in dhageysiga dacwadda lagu daro in fogaan arag looga qeyb galo, balse diidmada Kenya ayaa u muuqata mid marmarsiiyo ah oo ay dooneyso inay uga baxdo dacwadda oo dhan.

Ad

Xeer-ilaaliyaha guud ee dalka Kenya Kihara Kariuki ayaa go’aanka Kenya Maxkamadda ICJ u gudbiyey 11-kii bishan Maarso. “Kenya waxay maxkamadda ku war-gelineysa inaysan ka qeyb geli doonin dhageysiga dacwadda la jadwaleeyey 15-ka March. Kenya iyo kooxdeeda sharciga waxaa loo diiday fursad ay ku sameeyaan diyaar garowga lagama maarmaanka ah,” ayuu xeer-ilaaliye Kihara Kariuki ku yiri qoraalkiisa siday ay qortay Jariirada Daily Nation.

Maxkamadda ICJ ayaa la filayaa inay sii wado dhageysiga Kiiska iyadoo kaliya lagu koobi doono Soomaaliya inay jeediso doodeeda, haddii aysan Kenya bedelin, dibna u ogolaan inay ka qeyb gasho dacwadda.

Ma aha arrin cusub in dacwad ka socota Maxkamadda ICJ uu ka baaqsado dal ka mida labada dal ee loo kala gar qaadayo, waxaana hore u dhacday kiisas sidan oo kale ah sida in Dalka Shiinaha ka baaqsaday dacwad kala dhaxeysay Philipine.

- Advertisement -

Go’aanka ugu dambeeya ee Maxamadda ICJ ayaa qaadan doono muddo 4 ilaa 6 sano ah marka ay dhammaato dacwadaha laba dhinac laga dhageysanayo, taasoo ay ugu wacan tahay in waqti badan u baahan tahay maxkamadda maadaama go’aankeedu yahay kama dambeys aan rafcaan lahayn.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON