Dowladda Kenya ayaa dadaal cusub ugu jirta in mar kale dib loo dhigo dacwaddii Badda ee Somalia iyo Kenya, kadib qoraallo ay labada dowladooda u direen Maxkamadda ICJ oo saxaafadu heshay.
Qoraal ay dowladda Kenya u dirtay Maxkamadda ICJ ayey ku dalbaday in dacwadda dib loo dhigo waqti aanay cayimin, iyadoo sabab uga dhigtay arrimo dhaqaaleiyo culayska ka dhashay Cudurka saf-marka ah ee Coronavirus. Dhinaca kale dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hor timid dalabka dowladda Kenya, iyadoo dooneysa in Dacwadda lagu dhegaysto waqtigeeda.
Kenya waxay ku doodeysaa in Cudurka Coronavirus uu saameyn ku yeeshay Qareennada ku matalaya Dacwadda xuduurka Badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya, isla markaana dhaqaalaha dalkeeda uu ku yimid culeys cudurka Covid-19, ayna ahmiyad siineyso arrimaha degdegga ah.
Ra’isal wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in Maxkamadda ay dacwadda ku qaadi karto hab maqal iyo muuqaal ah, wuxuuna qiray in xilligan aysan suuragal ahayn in fadhi maqal furan lagu qabto Maxkamadda gudaheeda, xilligan duulimaadyadii lagu tegi lahaa xarunta Maxkamadda ee Hague aanay jirin.
“Maxkamaddu waxay soo saartay in shaqadeedii ay ku wadi doonto habka maqalka iyo muuqaalka ah oo dacwadaha ku dhegaysan doonto. Bishan Juun dalal dhawr ah ayaa dacwadahooda lagu dhegaysanayaa maqal iyo muuqaal, ilaa hadda hal kiis ayey ku dhegaysatay, markaa annaga waan ka hor nimid, waana diidnay mawqifka Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa weeye in aan dacwadaas maalin dib loo dhigin, go’aankaas ayaanan u qornay maxkamada caalamiga ah ee aduunka laguna dhegaysto dacwada habka maqalka iyo muuqaalka ah ama video confrene oo ay maxkamadu hada gacanta ku hayso kana shaqaysay” ayuu yiri Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo wareysi siiyey BBC-da.
