Dowladda Kenya ayaa ku guuleystay kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Amniga Q/Midoobay ee Afrika oo ay ku tartameen dalka Jabuuti.
Wareegii labaad ee caawa ayay Kenya heshay codad dhan 129 dal, halka Jabuuti ay heshay 62 cod, waxaana sidaa ku soo baxay Kenya oo Afrika u meteli doonta kursi ka mida Golaha Amniga ee Q/Midoobay muddo 2 sano ah (2021 -2022).
Kenya ayaa dadaal dheer iyo culeys weyn saartay inay kursigan hesho si ay saameyn ugu yeelato go’aannada Golaha Amniga xilli ay dacwad kala dhexeyso Soomaaliya, taasoo ku saabsan xuduudka Badda.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Maxamuud Cali Yuusuf ayaa Kenya ugu hambalyeeyay guusha kursiga aana joogtada ahayn ee Golaha Amniga Q/Midoobay, waxayna si weyn ugu mahad celiyey dalalkii taageeray Jabuuti iyo dadkii qeybta ka ahaa ololaheeda.