Wararka laga helayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in dowladda Kenya ay joojisay Duulimaadyadii tooska ahaa diyaaradaha la taga magaalad Muqdisho ku degi jireen magaalada Nairobi, iyadoo dib loogu celiyay inay sii maraan Garoonka magaalada Wajeer.
Waxaa amarkan la gaarsiiyey shirkadaha diyaaradaha iyo mas’uuliyiinta duulimaadka ee dowladda Soomaaliya, markan oo soo baxay maanta ayaa dhaqan galaya Berri oo ku beegan 10-ka May 2019, waxaana arrintan imaaneysaa iyadoo muddo laba sano ah ay isu furmeen diyaaradaha sida tooska ah isaga goosha Muqdisho iyo Nairobi.
Kenya ayaa sidan ku jebisay heshiis ay wada saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, waxaana garoonka diyaaradaha Wajeer uu ahaa caqabad hor taallay xiriirka labada dal, balse mar kale dib u soo noqday, iyadoo aan la ogeyn in waqti kooban ay arrintan socon doonto iyo in kale.
