Waxaa maalmihii ugu danbeeyay warbaahinta hadal heysay digniin iyo diidmo ka timid beelaha ku abtirsada Wacbuudhan Abgaal kala hortageen dowladda cusub ee Soomaaliya.
Shirar kala duwan ayaa dhacay oo qaarkood hanjabaad loogu diray madaxda dowladda, qaar kalena lagu hor istaagay taageerada xukuumadda cusub ee la magacaabay, waxaana tiro badan oo ka mida xildhibanada beeshan ay ka hor yimaadeen ansixinta Golaha wasiirada cusub.
Beeshan waxay hadda xukuumadda la magacaabay ku leedahay jago wasiir oo ah wasiirka Warfaafinta, iyadoo aan hore wax wasiir ah iyo jago kale ugu lahayn xukuumadda oo ay wasiir ugu danbeysan dowladii KMG ahayd ee Sheekh Shariif. Xilalka siyaasadeed ee xilligan beeshu heyso waxay kala yihiin:
1 – Wasiirka Warfaafinta
2- Guddoomiyaha iyo Duqa Muqdisho
2- Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe
Laakiin awood qeybsi ahaan haddii xukuumadda la ansixiyo waxaa xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir noqon doonaa mid ugu yaraan laga qaado Guddoomiyaha hadda xilka haya Yuusuf Xuseen Jimcaale haya oo ay isku beel yihiin wasiirka Beesha loo magacaabay C/raxmaan Yariisow.
Wasiir Yariisow waxay siyaasiyiinta jufadiisu jeclaan lahaayeen inuu xilkan iska casilo ama xukuumadda weyso codka kalsoonida, si aanu meesha uga bixin guddoomiyaha Gobolka Banaadir, micnaha arrintan yaa fahamkeedu yahay mid aanay dad badan fahmi karin.
Arrintan waa tan keentay in xildhibaanada beesha qaarkood sida Muuse Suudi ka hor yimaadaan iyagoo ujeedkoodu yahay in jufadiisu sii heysato guddoomiyaha Gobolka oo dano shaqsiyadeed ay tahay tan kicisay xildhibaanka Aqalka Sare ugu jira beesha oo si cad uga hor yimid xukuumadda cusub.
Xildhibaan Mina Xasan Shibis oo ka mida xildhibaanada beesha ee Golaha Shacabka ayaa ka mida xildhibaanada sida weyn uga hor yimid xukuumadda cusub, laakiin doodda ugu weyn ee ay qabto ayaa ahayd inay iyadu jagada wasiirnimo ka mudneyd C/raxmaan Yariisow. Waxaase la yaab leh jagada ay haweeneydan dooneyso inay jufo kale oo isla beeshan ka mida diidan tahay kana jeclaan lahayd inaysan wasiirba ka noqon xukuumadda cusub.
Loolanka  jagada maamulka gobolka Banaadir ayaa jufo hoosaad loolan adag ugu jirtaa inay soo ceshato, iyadoo markii hore aanu kacdoonkan ku jirin oo ay raali aamusan ku ahayd dowladihii hore.
Marka la isku soo xooriyo guuxda siyaasadeed ee beeshan ka soo yeeray wuxuu intiisa badan ayaa mid dano shaqsiyadeed ah oo lagu xoojinayo xaq ka maqnaa beeshan muddo dheer, balse la soo kiciyo markii danaha shaqsiga ah laga dhex arko.
Goobjooge.com