Waxaan qormadan ku eegeynaa wada-shaqeynta Maamulka Gobolka Banaadir ee la magacaabay 21-kii Janaayo oo uu guddoomiyaha u yahay C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo xilka la wareegay 30-ka Janaayo.
Maamulkan oo mar qura la wada magacaabay waxay ka koobnaayeen Guddoomiye, 4 ku xigeen iyo Xoghaye oo qeyb ka mida ay ahaayeen shaqaalihii Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’iisal Wwasaaraha, waxaana kaliya oo maamulkii hore dib uga soo laabtay hal guddoomiye ku xigeen oo ahaa Aadan Sheekh Cali Fiidow.
Isla markii maamulka cusub xilka la wareegeen waxaa soo if baxday inaysan isla qabsan karin, waxaana Guddoomiye Yariisow uu damcay inuu iska bedelo qaar ka mida ku xigeenadiisa, taaso socon weyday, waxaana muran ka dhashay cidda noqoneysa guddoomiye ku xigeenka koowaad. [Akhri Warkan]
Ugu horeyntiiba Beesha Murusade ayaa ku dooday inay leedahay xilka guddoomiye ku xigeenka koowaad oo magacaabidii maamulka ku soo baxday in ku xigeenka koowaad loo magacaabay Beesha H/Gidir, taasoo ah arrin aan xal loo helin oo weli ka taagan maamulka dhexdiisa. [Akhriso Magacayda iyo beelaha]
Guddoomiye Yariisow oo qaatay doodda koowaad, wuxuuna ku xigeenka koowaad iskiisa uga dhigtay Xuseen Maxamed Nuur oo oo dhinaca Maaliyadda ku xiga, ayna qaraabo yihiin Ra’iisal wasaaraha, basle wareegtadii magacaabidda ku soo baxay Guddoomiye ku xigeenka labaad.
Waxay arrintan soo shaac baxday, kadib markii duqa magaalada uu safar qarsoodi ah ku aaday bishii hore dalka Holland oo maxkamad uga furneyd, isagoo kusime ka dhigtay ku xigeenkiisa dhinaca maaliyadda Xuseen Maxamed Nuur, isla markaana safarkiisa ka qariyey ku xigeenka koowaad Maxamed Tuulah oo markii danbe ka war helay iyo maamulka intiisa kale.
Muranka ka taagan xilka ku xigeenka koowad ee Guddoomiyaha Gobolka iyo cidda kusime noqoneysa waa mid saameyn ku yeelatay wadashaqeynta maamulka G/Banaadir, waana xaalad intii uu xalin lahaa uu dhinac maray guddoomiye Yariisow oo maamulkii lala magacaabay kaliya saaxiib ka dhigtay hal xubin oo ka mida, taasoo ay ugu wacan tahay isagoo aamisan in Ra’iisal wasaare Kheyre uu xilka u magacaabay, sidaasina ku raali gelinayo.
Maamulka G/Banaadir wuxuu u qeybsan yahay laba kooxood oo kala ah:
1- Qeybta koowaad: Waxay ka kooban tahay Guddoomiye Yariisow iyo ku xigeenka dhinaca Maaliyadda Xuseen Maxamed Nuur oo lagu tilmaamo guddoomiyaha dhabta ah ee G/banaadir ka taliya, labadan nin oo isbaheysi leh waxay isku gaar yeeleen go’aanada iyo maamulka sare ee Gobolka, waxaana howsha gobolka oo dhan kala wada, shaqaaluhuna ay aqoonsan yihiin Xuseen Maxamed Nuur, halka Yariisow uu noqday maqaar saar shirarka iyo xafladaha kasoo dhex muuqda.
2- Qeybta labaad: Waxaa ku wada jira Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasadda Mohamed Tuulah oo hore u ahaa gacan-yaraha madaxweyne Farmaajo, Guddoomiye kuxigeenka arrimaha Bulshada iyo xoghayaha Guud oo isku dhinac ah, qeybtan waxay ka yimaadeen kooxda Nabad iyo Nolol, waxaana ay halgan kula jiraan guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa, iyadoo uu hoggaaminayo Maxamed Tuulah, kaasoo guddoomiye Yariisow uu ku tuhmay dhowaan inuu mas’uul ka ahaa ololihii looga furay baraha bulshada.
Waxa xusid mudan in guddoomiye ku xigeenka xigeenka Howlaha Guud Aadan Sheekh Cali Fiidow uu yahay mas’uul gaar u taagan oo uu go’doomiyey maamulka cusub ee G/Banaadir, isagoo shaqadiisii lagala wareegay isla markaana aan wax door ah ku lahayn maamulkan.
AKHRISO QORMADII HORDHACA
AKHRISO QORMADII KOOWAAD
LA SOCO QORMADA 3-AAD
Waxaan ku eegi doonnaa Guddoomiyaha dhabta ah ee maamulka G/Banaadir iyo Mas’uulka Qarsoon ee kala wada maamulka Dowladda Hoose ee Muqdisho & heerka ay gaarsiisan tahay awoodaha Guddoomiyaha xilka ku magacaaban.