Waxaa saddexdii bilood ee ugu danbeeyay magaalada Muqdisho ka socday olole canshuurta Guryaha la degan yahay lagu qaadayo, iyadoo howshan ay soo bilaabtay intii uu Duqa Muqdisho ahaa Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), balse waxay canshuur qaadistu bilaabtay sanadkan.
Canshuurta la qoondeeyay in laga qaado guryaha ayaa u dhaxeysa 400,000 Sh.So ilaa 15,000,000 Sh. So (20 ilaa 3000$) ayaa waxaa qaadaya shirkad gaara oo lagu magacaabo Intifaac oo warar aan la hubin sheegayaan inay ku lug leeyihiin qoyska Madaxweynaha.
Heshiiska Shirkadda la siiyay ayaa dhigaya in lacagta canshuurta guryaha ka soo xaroota loo qeybsado sidatan:
51 % Dowladda Hoose ee Muqdisho
49 % Shirkadda Intifaac
Waxaa la sheegay in 3% lacagta shirkadda la siinayo loo qoondeeyay dhinaca farsamada oo ay si gaara u qaadayaan xubno ka tirsan dowladda hoose iyo dhinacyo kale (Service).
Shirkadda Intifaac ayaa dhowr jeer lacago boqolaal milyan ah oo Shilin Soomaali ah ku shubtay xisaabtada dowladda Hoose uga fiuran Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, waxaan xusid mudan in qeybta shirkadda loo qoondeeyay ay si toos ah u qaadato.
Lama oga waxa Shirkadan la naas-nuujinayo ku qaadan doonto lacagta intaas la eg iyadoo aan qabaneynin howl ka duwan inay daabacdo waraaqaha lacag qabashada, waxaana la yaab leh in canshuurta dadka shacabka ah laga qaado sidaas loogu takri falo.
GOOBJOOGE.COM