Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Turkiga C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa mar qura la arkay isagoo olole ugu jira inuu ka mid noqdo xildhibaanada Aqalka hoose ee Doorashada 2016.
Safiirkan ayaa ka mida mas’uuliyiin iyagoo aan xilka wareejin galay dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo cusub, waxaana xogta ay heshay Goobjooge.com sheegeysaa in Mudane Sanbaloolshe uu taageerada kala noqday Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxda Damujadiid.
Sanbaloolshe ayaa si weyn u diidanaa xilka safiirnimo ee Turkiga isagoo sheegay inuusan ahayn xil wax faa’iido ah ka helin, wuxuuna go’aansaday inuu iskiis uga tago xilkaasi oo dowladda Cusub la qabsado.
C/llaahi Sanbaloolshe ayaa marar badan ku qancin waayay madaxweyne Xasan Sheekh in dib loogu magacaabo xilka agaasimaha Nabadsugidda ee NISA, taasoo keentay inuu ku biiro taageerayaasha Cumar C/rashiid oo hadda u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxtooyada Soomaaliya iyo kooxda Damjadiid ayaa si weyn uga horjeeday inuu Sanbaloolshe noqdo xildhibaan, waxayna isku dayeen inay tartanka ka reebaan, taasoo socon weyday, kadib markii uu taageero ka helay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble.
Musharixii la tartamayay C/llaahi Sanbaloolshe oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax oo taageer ka heystay madaxtooyada ayaa loo diiday inuu galo xaruntii doorashada, taasoo keentay in Sanbaloolshe ku soo baxo kursiga.
Safiirka Soomaaliya ee Turkiga  oo hadda ka mida xildhibaanada Aqalka hoose ee Baarlamaanka ayaa gacanyare u ah musharax Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, isagoo qeyb ka ah ololaha Doorashada Cumar C/rashiid.
Goobjooge.com
Qorshaha Sanbal