Taliyaha ciidamada NISA loo magacaabay markii labaad ee C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa hore u ahaa xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka iyadoo lagu soo doortay magaalada Jowhar.
Sanbaloolshe ayaa xildhibaan ku noqday taageero uu ka helay madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble iyadoo ninkii ugu weynaa ee la tartamayay guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax laga hor istaagay maalintii doorashada inuu hoolka galo, iyadoo loo adeegsaday ciidamo. [AKHRI WARKAN]
Inkastoo Sanbaloolshe sidaas xildhibaan ku noqday, haddana waxaa madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo u magacaabay xilka Taliyaha NISA oo uu hore uga soo qabtay  dowladii Xasan Sheekh, isla markaana uu si weyn u caashaqay.
Xilka xildhibaannimo wuxuu Mudane Sanbaloolshe lumiyay isla markii uu aqbalay xilka agaasimaha NISA, sida uu qorayo qodobka 59-aad ee Dastuurka KMG ah, waxayna tani meesha ka saareysaa in taliyaha NISA uu hadda yahay xildhibaan sida dadka qaarkii sheegaan.
HOOS KA AKHRI SIDA XILDHIBAANKU KU LUMIN KARO XUBINNIMADA BAARLAMAANKA FEDERAALKA
GOOBJOOGE