Wednesday, April 23, 2025

KASHIFAAD: Qorshe lagu fashilanayo Mooshinka Saldhigga Berbera [Akhriso mas’uuliyiinta ku lugta leh]

U GAARA GOOBJOOGE.COM

Dib u dhac iyo caajis badan ayaa hareeyay mooshinkii Baarlamaanka Soomaliya ee looga horjeeday saldhigga milteri ee Imaaraadka Carabta laga siiyay magaalada Berbera, maamulka Somaliland.

Mooshinka oo Baarlamaanka laga hor akhiriyay ayaa doodiisa la hakiyay sababo aan la garaneyn, waxaana warar xog-ogaal ah oo Goobjooge.com heshay ay sheegayaan inuu jiro qorshe mooshinkaasi looga takhalusayo.

Arrintan ayaa ka danbeysay kulan uu safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Axamed Alcusmani  la yeeshay guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan  (Jawaari) oo la isku afgartay in hoos loo dhigo mooshinka.

Ad

Goobjooge.com ayaa ogaatay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu la socdo arrintan iyadoo ay ka mid ahayd arrimihii laga dhaadhiciyay intii uu socdaalka ku joogay Imaaraadka Carabta.

Dhiciseynta mooshinka looga horjeedo saldhigga Berbera ee Imaaraadka loo saxiixay ayaa isu bedelay mid ay madaxda Soomaalida is afgarad hoose oo aan la shaacin kala gaareen Imaaraadka, waxaana la arki doonaa halka uu ku dambeeyo.

U GAARA GOOBJOOGE.COM

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON