Wednesday, September 18, 2024

KASHIFAAD: Ogow Saamiga Dowlada Somalia & Shirkadda Spectrum ku leeyihiin iibinta xogta Shidaalka Dalka

Toddobaadkii hore dawladda Soomaaliya waxay magaalada London kusoo bandhigtay xogta laga laga helay sahankii shidaalka ee laga sameeyey Soomaaliya intii u dhaxaysay sannadihii 2014-ka iyo 2016-ka. Sahankan waxaa iskaga dambeeyey labada shirkadood ee kala ah Soma Oil & Gas iyo shirkadda Spectrum.

Soo bandhigista xogta shidaalka ee ka dhacday London toddobaadkii hore waxaa daba socda in la sameeyo sahamin, taasi oo u baahan in dhulka sahanka laga samaynayo saliid laga baadho. Bixinta qandaraasyadan waxay bilaabaynsaa dabayaaqada sannadkan, sida rasmi ahaan loo sheegay, inkastoo khubarada qaar ay sheegeen in furitaanka tartanka shidalaka Soomaaliya ay durba bilaabantay.

Barnaamijka Galka Baaristu waxa uu ogaaday in shirkadda Spectrum oo qandaraas lagu siiyey kaydinta iyo iibka xogta Soomaaliya ay lacago gaadhaya $1.35 milyan oo doollar ay siin jirtay wasaaradihii kala dambeeyey ee shidaalka. Lacagahaasina waxay abuuri karaan shaki maadaama shirkaddu siinayso wasaaraddii siisay qandaraaska kaydinta iyo iibinta xogta.

Ad

Waxaa kale oo Galka Baarista uu ogaaday in Soomaaliya ay hoos u dhigtay saamiga ay ka qaadanayso shidaalka soo baxa maalmo uun ka hor intii aan la tegin shirka London, waxaana saamigaasi laga dhigay 54-66% halka dokumentiyo hore oo la qoray ay gaarsiinayeen ilaa 85%.

HOOS KA DHAGEYSO BARNAAMIJKA GALKA BAARISTA EE VOA

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON