Musharixii Madaxweynaha sanadkii 2012 oo dad badan u saadaalinayeen inuu guul ka soo hoyn doono doorashii uu galay ayaa mar labaad mugdi ku jiraa inuu u sharxan yahay xilka Madaxweynaha.
Dr. C/raxmaan Macalin Baadiyow ayaa xogta ay heshay Goobjooge.com sheegeysaa inuu musharaxnimadii xilka Madaxweynaha uga tanaasulay Ra’iisal wasaarihii hore C/weli Sheekh Axmed isagoo heshiis hoose kula galay inuu noqdo Ra’iisal wasaare, haddiina uu ku guuleysto xilka.
Arrintan ayaa soo shaac baxday kadib markii uu Muqdisho ku soo laabtay, waxaana arrintan ay dad badan oo taageerayaashiisa ka mida ku abuurtay niyad jab, iyadoo weliba rajo badan laga qabay inuu doorashada 2016 meel fiican kasoo geli karay.
Wuxuu ka dhex muuqdaa musharixiinta shaaciyay inay u taagan yihiin xilka madaxweynaha Soomaaliya, isagoo aan musharax ahayn, waxayna dad badan rumeysan yihiin inuu ka fursad wanaagan yahay musharax uu daba galay.
Goobjooge.com