Friday, March 28, 2025

KASHIFAAD: Maxaa ka jira in Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha lagu qorto qaab Qabiil?

Warbixinno lagu faafiyay qaar ka mida website-yada Soomaalida ayaa Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ku eedeyay shaqaaleysiin qabyaalad ku saleysan, waxaase la ogaaday inay arrintaasi ahayd mid been abuur, sida ku cad liiska shaqaalaha kaarar oqoonsi loo sameeyay oo aanu helnay.

Shaqaalaha la sheegay inay kaararka loo dalbay oo ah shaqaale horay xafiiska uga tirsanaa balse loo cusbooneysiiyey kaararkooda aqoonsiga oo gaaraya 24 qof ayaa ka soo jeeda qabaa’il kala duwan ee Soomaalida, taasoo  meesha ka saareysa warbixinnada laga faafiyey Xogahayaha Joogtada ah ee lagu eedeeyaay inuu shaqaaleysiiyay dad isaga la heyb ah.

Warbixinnada ayaa si gaar ah u bar-tilmaameedanayay xoghayaha cusub ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Axmed-Nuur Maxamed oo muddo kooban xilka ku magacaaban, balse dib-u-habeyn ballaaran ka billaabay nidaamka shaqo ee xafiiska ugu sareeya xukuumadda Soomaliya.

Ad

Qoraallada lagu daabacay dokumiintiyada kaararka loogu dalbay shaqaalaha ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay nin la heyb ah Ra’iisul wasaare Kheyre, kasoo hore looga ceyriyay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha; isagoo ka mid ahaa shaqaalaha aan joogatada ahayn.

Waxaaan halkan kusoo bandhigeynaa xaqiiqada magacyada iyo qabaa’ilka ay ka soo jeedaan shaqaalaha ay magacyadoodu ku caddeeyeen warqadaha codsiga kaararka aqoonsiga ee la baahiyay:

MagacaQabiilka
Umukhayr Fu’ad AliDir/Isaaq
Xuseen ibraahin CaliIsaaq/Dir
Hodan Nuur cabdiDir/Daqoodi
Abdi BarudDir/Isaaq
Abdifitah AbdinurDir/Isaaq
Mustaf Abdi AliDir/Isaaq
Naima Yusuf Salad
Mohamed Husein MohamedDaarood/Majeerteen
Zakariye Mohamed IbraahinHawiye/Sheekhaal
Suuban Hesien JamaMajeerteen
Cabdiracman Maxamed GuutaaleDir/Isaaq
Mohamed Moalim SaidDaarood/Ogaadeen
Sagal Naasir ShiddoHawiye/Habargidir/Sacad
Mahdi Husein AbdulleIsaaq/Dir
Omar Mohamed OsmanHawiye/Habargidir
Abdirashid HajinurHawiye/Duduble
Ciise Aadan CabdiraxmaanDir/Isaaq
Faadumo Ali NuradinHawiye/Abgaal
Abdul Mohamed MakaraanHawiye/Xawaadle
Ahmed Mohamed Sa’idDir/Isaaq
Abdi Ali RageDaarood/Ogaden
Ali Ibrahin CaliDigil iyo Milifle
Abdirahman Warsame AbdiDaarood/Majeerteen
Hana Ahmed IgalDir/Samaroon

 

- Advertisement -

Goobjooge.net

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON