Saturday, January 25, 2025

KASHIFAAD: Maamulka G/Banaadir oo la wareegay Shirkad Gaara & Canshuurtii Guryaha oo Dib loo bilaabayo

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay inuu dib u bilaabanyo Canshuur ururinta Guryaha ki yaalla degmooyinka G/banaadir oo la bilaabay, isla markaana istaagtay xilligii uu guddoomiyaha ahaa Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Gudoomiye kuxigeenka dhinaca Maaliyadda Gobolka Banaadir Xuseen Maxamed Nuur oo ah mas’uulka arrintan soo abaabulay ayaa dib u soo celinta canshuurtan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay Munaasabad lagu qabtay Xarunta Degmada Xamarweyne shalay.

Xogta ay heshay Goobjooge.net ayaa sheegeysa in Maamulka Gobolka Banaadir uu la wareegay shirkad gaara oo heshiis muran badan ka taagnaa la gashay maamulka G/banadir laguna magacaabi jiray INTIFAAC, taasoo canshuurtan mar ka qaaday qaar ka mida degmooyinka Muqdisho sanadkii 2016.

Ad

Shirkaddan ayaa shaqaalaheedii iyo madaxdeedii loo bedelay shaqaale katisan Maamulka G/Banaadir, waxaana ninkii madaxda ka ahaa loo magacaabay madaxa Canshuuraha Guryaha ee G/banadir, iyadoo shirkaddii la qariyey magaceeda, isla markaana lacago loo qoondeeyay inay ku yeelato canshuurta laga qaadayo G/banaadir. [Akhri Warkan]

Shirkdda Intifaac  oo qaar ka mida guryaha degmooyinka Gobolka Banadir canshuur ka qaaday ayaa waxaa sharci darro ku tilmaamay hanti dhowrkii guud ee xilligaasi, waxayna adeegsan jirtay maleeshiyo iyo shaqaale u gaara iyadoo heshiis mugdi badan ku jirto ku heleysay saami dhan 49%.

Qorshihii maamulkii Yuusuf Boorsaani ee Canshuur qaadista Guryahaa ayaa istaagtay iyadoo degmooyin badan laga qaadi waayey, halka degmooyin kale loogu xirxiray dadweyne si awood ahna looga qaaday canshuur qorsheyntooda kala duwan tahay, waxaana shirkaddani ka sheegay inay lahayd mid ka mida xaasaska Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

- Advertisement -

Dib u soo nooleynta canshuurta Guryaha oo ay ka dhex muuqato shirkadda Intifaac ayaa shaki weyn dhalineysa, waxaana wararka qaarkood sheegayaan in canshuurta cusub ee Guryaha Muqdisho laga bilaabayo qeyb ka mida lagu bixin doono  deyn ay shirkadaasi sheegtay.

HOOS KA AKHRISO WARBIXINNO LA XIRIIRA ARRINTAN

XOG: Guddoomiye Yariisow oo Madaxii Shirkad Muran ka taagnaa dowladii Xasan Sheekh ku soo daray Maamulka G/Banaadir

KASHIFAAD: Shirkad gaara oo canshuur ka qaadata Guryaha Muqdisho & fadeexad ka jirta khidmada la qaadayo

KASHIFAAD: Sidee loo qeybsaday lacagta canshuurta ee laga qaadayo Guryaha Muqdisho

KASHIFAAD: Shirkad gaara oo canshuur qaadis ka wada Guryaha Muqdisho & fadeexad ka jirta khidmada la qaadayo

- Advertisement -

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON