Isbaheysi cusub oo doorasho ayaa dhex maray laba ka mida musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Arrintan ayaa ka dambeysay kulan dhex maray labada musharax oo uu abaabulkiisa lahaa Shariif Xasan, kaasoo looga hadlay sidii labada musharax ay isaga kaashan lahaayeen Doorashada madaxweynaha Soomaaliya.
Shariif Xasan ayaa raadinaya isbaheysi cusub kadib markii uu fashil kala kulmay isbaheysigii hore ee kala dhaxeeyay madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed, kaasoo uu ka baxay C/kariin.
Qorshaha Shariif Xasan ayaa hadda ku soo ururay sidii looga hortegi lahaa in dib loo doorto madaxweyna Xasan Sheekh, kadib markii uu xaqiiqsaday in fursadii guddoomiyenimada Baarlamaanka Federaalka ee C/rashiid Xiddig ay dhammaatay.
Cumar C/rashiid oo la sheegay inuu shaki badan ka qabo Shariif Xasan iyo qorshihiisii hore ee ahaa in Beesha Daarood lagu riixo xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa mabda’ ahaan kula heshiiyay inay iska kaashadaan ka hortagga Xasan Sheekh.
Heshiis iskaashi rasmi ah oo dhex mara Cumar C/rashiid iyo Shariif Xasan ayaan weli la gaarin, iyadoo wadahadaladu socdaan, waxaana  laga cabsi qabaa in Shariifku ugu dambeynta u wareego saaxiibkiisii hore ee Sheekh Shariif  Sheekh Axmed.
Goobjooge.com