Friday, March 21, 2025

KASHIFAAD: Dowladda Somalia oo heshiis Qarsoodi ah la galeysa Axmed Madoobe [Yaa ka danbeeyay..?]

Dowladda Somaila ayaa heshiis qarsoodi ah la meel dhigtay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), kadib wadahadal muddo dheer labada dhinac uga socday magaalada Nairobi.

Heshiiskan oo uu kasoo shaqeeyay Agaasime ku xigeenka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Fahad Yaasiin Xaaji ayaa muhiimadiisu tahay in la dhammeeyo xiisadii siyaasdeed ee ka dhaxeysay madaxda dowalda Somalia iyo Axmed Madoobe, iyadoo madaxda dowladda Soomaaliya ka tanaasuleyso colaadii siyaasadeed iyo qoshihii ay ku dooneysay inay xilka ka tuurto Axmed Madoobe.

Fahad Yaasiin oo muddo Bil ku dhowaad ah ku sugnaa magaalada Nairobi ayaa degdeg uga baxay maalintii ay Kenya ku dhawaaqday inay u yeeratay Safiirkeeda, uguna baaqday Safiirkii Somalia inuu dalkiisa ku laabto, waxaana qorshahan markii dambe lagu qanciyey Ra’iisal wasare Kheyre oo diidmo ka muujiyey.

Ad

Heshiiska Qorshaha Fahad Yaasiin iyo Axmed Madoobe isla gaareen ayaa isbedel weyn ku sameynaya xiriirkii labada dhinac, waxaana haddii heshiiskan uu dhaqan galo Axmed Madoobe uu heli doonaa fursada uu talada Jubbaland ku sii hetsto, isla markaana isagu keensado madaxda ka mida xukuumadda Somalia.

Ra’iial wasaare Kheyre iyo Fahad Yaasiin ayaa la qorsheeyay inay tagaan magaalada Kismaayo, waxaase heshiiska saameyn ku yeeshay iyadoo ay qaraxay xiisadda diblomaasiyadeed ee Kenya iyo Somalia oo hareysay heshiiskan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON