Thursday, February 13, 2025

Kaluumeysato u dhashay Iiraan oo laga badbaadiyay burcad Badeed ku heysatay Magaalada Cadaado

Ciidamada Galmudug ee magaalada Cadaado ku sugan ayaa gacanta ku dhigay afar nin oo ajnabi ah una dhashay dalka Iiraan, kuwaasoo la sheegay in koox Burcaad badeed ah oo muddo 2 sano ah gacanta ku heysay ay qarsoodi ku soo geliyeen magaalada Cadaado.

Wararka laga helayo magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug ayaa sheegaya in laga war helay dadka ajnabiga ah ee magaalada ay keensadeen burcad badeedka, isla markaana weerar lagu qaadya guri lagu hayay ragga Iiraaniyiinta ah oo loo maleynayo inay burccad badeedku afduub ku heysteen, kadibna laga soo badbaadiyay iyadoo sidoo kale la qabtay nin ilaalo ka ahaa.

Afarta nin ee u dhashay dalka Iiraan ahna kalluumeysto ayaa la geeyay caawa xarunta madaxtooyada magaalada Cadaado, halkaasoo maamulka Galmudug loo gacan geliyay.

Ad

Maraakiibta iyo Doonyaha waaweyn ee dalka Iiraan ayaa ah kuwa ugu badan ee kalluumeysiga sharci darrada ah ka wada Badda Soomaaliya, iyadoo qaarkood ay ruqsad ka heystaan maamulada degaanada Soomaalida.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON