Kalluumeysato u kala dhalatay dalalka Pakistan iyo Iiraan oo lagu qabtay xeebaha Jubbada Hoose ayaa lagu xiray magaalada Kismaayo.
Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Kalluumeysatadan laga soo qabtay duleedka Jasiirada Kudhaa xilli ay ku jireen kaluumeysi sharci darro ah, isla markaana la keenay magaalada Kismaayo.
10 ka mida badmaaxiintaan waa Pakistaaniyiin, halka 2-da kale ay u dhasheen India, waxaana la sheegay in maamulka Jubba uu maxkamad soo taagi doono.
Ad
Warar Xul ah